Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano.
Mucaaradka waxa ay kasoo horjeedaan wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo muddo-xileedka la beddelay. Dibadbaxyo ay mucaaradku qorsheeyeen iyo dowladda oo is-hortaagtay ayaa cakiray xaaladda Muqdisho. 3-dii ilaa 4-tii June dagaal u dhexeeya labada dhinac ayaa ka dhacay Muqdisho. Hadda waanwaan ayaa socota.
Qeybtan 74-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdiraxmaan Caynte—Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor iyo Guddoomiyaha Midowga Xaqsoor iyo Haybad Qaran—waxay si qoto dheer u gorfeynayaan xaaladda dalka, asalka khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, wadahadallada socda, iyo fursadaha lagu gaari karo xal waara.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.