Waxaa Muqdisho ka socda shirar dhexdhexaadin ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Shirarradan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ku soo bandhigeen noocyada doorashooyinka ee ay kala doorbidayaan.
Qeybta 77-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Dr. Afyare Cabdi Cilmi, oo ah bare sare iyo cilmibaare ka tirsan City University of Mogadishu, waxay ku falanqeynayaan afarta nooc ee doorashooyinka iyo habka ugu habboon ee wakhtigan lagu soo dooran karo xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo iyaguna dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.