Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.
Qaybta 81-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Cabdi Faarax Saciid (Juxa), oo ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, sidoo kalena wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka waxbarashada ka soo noqday Puntland, ayaa ku gorfeynaya arrimaha la xiriira federaalka, dowlad-dhiska iyo doorashooyinka heer federaal.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.