Dhaqan galka dastuurka Soomaaliya waa dood xasaasi ah oo meel adag mareysa, habraaca loo maray, xilliga uu dhaqan galaayo iyo su’aalo kale oo badan oo aan jawaab loo heynin ayaa dul hoganayo dastuurka. Muddo xileedka Dowladda dastuurka cusub waxa uu u bedalay 5 sano halka kii hore ay 4 sano ahayd, dowladda hadda muddadiida sii dhamaaneyso waxa ay aaminsan tahay inay waqtigoodu 5 sano noqday oo sanad kale u sii harsan yahay, balse mucaaradka waxay si duuduub ah u diidan yihiin wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay.
DAstuurka wax laga bedelay waxaa ka farcamay shuruuc doorasho, iyo lagu dhisayo axsaab, taas oo ay doorasho qof iyo cod ah ka dhalatay, iyadana waxay abuurtay qalaalse siyaasadeed oo kale.
Wareysigaan oo aan la yeelanay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) Avv. Burhaan Aadan Cumar oo aan wax ka weydiinay:
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Dawan Media. Innehållet i podden är skapat av Dawan Media och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.