Miizaan
Avsnitt

S1 E16: Wasiirka Dhallinyarada: Tahriibka, Cumar Cartan & Ciyaaraha Soomaaliya | Miizaan Podcast

Dela

Kusoo dhawaada qeyb cusub oo ka mid ah Miizaan Podcast, oo martideena Tododbaadkan uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed, maamulka Golaha Dhallinyarada Qaranka, qorshaha Wasaaradda, safarrada dhallinyarada loo diro dibadda, tahriibka, iyo doorka dowladda ee horumarinta fursadaha dhallinyarada.

Sidoo kale, wareysiga waxaa lagu falanqeeyay xaaladda ciyaaraha Soomaaliya, caqabadaha horyaallada kubadda cagta, qaabka loo xulo ciyaartoyda Xulka Qaranka, xiriirka hay’adaha ciyaaraha, iyo kaalintii dowladda ee arrintii garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan.

Qodobada ugu waaweyn ee barnaamijka:

Maxaa hortaagan in Golaha Dhallinyarada Qaranka uu is doorto?
Sidee Wasaaradda Dhallinyaradu u xulataa dadka safarrada loo diro?
Sidee looga hortagayaa tahriibka dhallinyarada?
Maxaa ka dambeeyay geerida Saamiyo ee tahriibka?
Doorka dowladda Soomaaliya ee taageerada Garsoore Cumar Cartan
Mustaqbalka ciyaaraha iyo garoomada Soomaaliya
Qaabka loo dhiso Xulka Qaranka Soomaaliyeed
Dib-u-habeynta Golaha Olombikada Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta

Miizaan Podcast waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax oo Dawan ka tirsan.

Time Code 
00:00 Hordhac
01:30 Qaybaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
03:28 Muxuu ka qabtay waaxda dhallinyarada?
13:26 Sidee u dhisan yahay Golaha Dhallinyarada Qaranka?
18:06 Muxuu u eryay guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada Qaranka?
22:55 Maxay tahay dib-u-habeynta lagu wado Golaha Dhallinyarada Qaranka?
25:59 Maxay tahay ujeeddada dib-u-habeynta Golaha Dhallinyarada Qaranka?
30:44 Maxaa iska beddelay miisaaniyadda Wasaaradda ee 2026?
36:29 Sidee lagu soo xulay dhallinyaradii loo diray Morocco?
46:55 Wasaaradda Dhallinyarada ma ku lug leedahay tahriibinta dadka?
48:30 Maxaa ka jira eedaha loo jeediyay Wasaaradda ee la xiriira eryidda guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada?
54:53 Wasiirka iyo Bonooniga
55:49 Sidee ayay Soomaaliya ugu suuragashay in Koobka Adduunka lagu soo hadal qaado?
59:08 Door noocee ah ayay Wasaaraddu ka qaadatay xallinta caqabaddii Cumar Cartan?
01:01:58 Dowladda ma difaacday Cumar?
01:07:25 Sidee ayay Wasaaradda, xiriirrada isboortiga iyo hay’adaha kala duwan u wada shaqeeyaan?
01:18:30 Maxaa sababa xiise la'aanta horyaalka kubadda cagta Soomaaliya?
01:25:10 Ma madax-bannaan yahay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?
01:27:53 Sidee ayay u dhisan yihiin Guddiga Olombikada Soomaaliyeed?
01:40:01 Maxaa uga qorsheysan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool?
01:42:16 Maxaa uga qorsheysan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?

Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör Dawan Media. Innehållet i podden är skapat av Dawan Media och inte av, eller tillsammans med, Poddtoppen.