Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka.
Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay:
Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka Khilaafka dastuurka iyo doorashooyinka Xaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeed Arrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika Saameynta quwadaha shisheeye ee gobolka Iyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne?
Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal hayso, isaga oo bixiyay aragtiyo ku saabsan federaalka, dowlad-dhiska, iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Dawan Media. Innehållet i podden är skapat av Dawan Media och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.