Ku soo dhawaada xalqad cusub oo ka tirsan Miisaan Podcast!
Wareysigan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khatarta El Niño, fatahaadaha iyo diyaar-garowga dowladda ee roobabka la filayo.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan khatarta fatahaadaha, tirada dadka ay saameyn karto, miisaaniyadda gurmadka, gaarsiinta gargaarka, wacyigelinta bulshada, iyo caqabadaha haysta SoDMA.
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
El Niño iyo khatarta fatahaadaha: Maxay Soomaaliya ka filan kartaa roobabka El Niño, xaggee ayay fatahaaduhu u badan yihiin, inteese ayay socon karaan?
3.5 Milyan oo qof oo khatar wajahaya: Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qiyaasta dadka ay saameyn karto xaaladda El Niño iyo khasaaraha dhaqaale ee laga filayo.
Diyaar-garowga dowladda: Sidee ayay dowladda Soomaaliya ugu diyaar-garoobaysaa fatahaadaha, maxaase laga qabtay 29-ka magaalo ee loo aqoonsaday meelaha halista badan?
Miisaaniyadda El Niño: Imisa lacag ah ayaa loo qiyaasay qorshaha gurmadka, inteese dowladda Soomaaliya hadda heli kartaa?
Fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle: Sidee loo diyaariyey gurmadka dadka ku nool deegaannada ku dhow webiyada, oo ay ku jiraan 71 doonyood oo loo qorsheeyay samatabbixin?
Wacyigelinta bulshada: Sidee SoDMA iyo hay’adaha kale ugu gudbinayaan shacabka digniinaha iyo macluumaadka ku saabsan khatarta soo socota?
Gargaarka bani’aadannimo: Maxaa caqabad ku ah gaarsiinta cuntada, hoyga, biyaha iyo adeegyada kale ee gargaarka?
Deegaannada Al-Shabaab ka taliso: Sidee xaaladda bani’aadannimo looga jawaabi karaa meelaha ay dowladda si buuxda uga hawlgeli karin?
Cabashooyinka iyo qaybinta gargaarka: Sidee loo xulaa dadka iyo degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo, sideese loo maareeyaa cabashooyinka bulshada?
Musuqmaasuqa iyo hufnaanta gargaarka: Maxay SoDMA ka qabanaysaa si loo hubiyo in gargaarku gaaro dadka loogu talagalay?
Caqabadaha SoDMA: Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hay’adda ka haysta dhinaca miisaaniyadda, agabka iyo awoodda gurmadka?
Hiigsiga SoDMA: Waa maxay qorshaha hay’addu u leedahay maareynta musiibooyinka iyo diyaar-garowga mustaqbalka?
🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u hesho wareysiyada iyo barnaamijyada kale ee muhiimka ah!
⏱️ Time Code
00:00 — Hordhac
02:16 — Dhibaatooyinka ka dhalan kara El Niño
07:23 — Sidee loogu diyaar-garoobay El Niño?
12:35 — Miisaaniyad intee le’eg ayaa loo hayaa El Niño?
13:52 — Tallaabooyinka la qaaday ee looga hortagayo El Niño
16:02 — Wacyigelinta ku saabsan El Niño
18:42 — Cabsida laga qabo cunto-yaraan
20:04 — Sidee looga gudbi karaa miisaaniyad-yarida?
22:58 — Sidee loo xulay degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo?
24:42 — Fatahaadaha: Maxaa laga qabtay?
27:29 — Maxaa iska beddelay aragtida bulshada ee iskaashiga?
30:04 — Sanduuqa Maareynta Musiibooyinka iyo doorkiisa
31:54 — Hay’addu ma leedahay goob loogu talagalay tabarucaadka?
36:08 — Sidee Ciidamada Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan gurmadka?
38:09 — Dadka ku nool deegaannada Al-Shabaab ka taliso iyo xaaladdooda
40:40 — Al-Shabaab ma laga hadlay arrimaha bani’aadantinimada?
42:41 — Kaalmada Dowladda Shiinaha
45:10 — Fariinta Guddoomiyaha SODMA
47:48 — Magaalada Muqdisho iyo khataraha ay wajihi karto
50:01 — Kaalmadii oo dhan ayuu Maraykanku jaray
53:01 — Sidee loo xaliyay arrinta hoggaamiyeyaasha bulshada?
55:41 — Sidee u shaqeeyaa nidaamka cabashada dadweynaha?
57:00 — Gargaarkii Hiiraan ee hadal-heynta dhaliyay
59:28 — Khilaafaadka siyaasadda iyo gargaarka
1:03:22 — Xildhibaannada iyo doorkooda ku aaddan gargaarka
1:05:08 — Khayre iyo SODMA
1:09:15 — SODMA ma haysataa miisaaniyad ku filan?
1:15:32 — Caqabadaha SODMA
1:19:11 — Hiigsiga SODMA
1:23:19 — Cudurrada ka dhasha fatahaadaha
1:25:52 — Xaqiiqada warbixinnada
1:29:20 — Ka-hortagga musuqmaasuqa ee gargaarka
1:31:53 — GABOGABO
📍 Subscribe: @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
🌐 https://www.dawan.so/
🌐 https://www.dawan.africa
🌐 https://www.bawaba.africa
📱 Download Dawan App Today:
https://onelink.to/5vv232
#MiisaanPodcast #SoDMA #ElNino #CaliNuurSalaad #XuseenCabdiAadan #Soomaaliya #Fatahaad #Gargaar #DawanMedia