Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal.
Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, horena u soo noqday muddo 3 jeer ah Agaasimaha Hay’adda NISA, Wasiir heer federaal ah iyo Diblomaasi, waxa ay ku falanqeynayaan maareynta marxaladda kalaguurka, dastuurka iyo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.