Avsnitt #75: Sanadguuradii 6-aad ee Ladnaan Podcast - Maxaa nagu soo kordhay? Ladnaan Podcast Spela Dela
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waa sanadguuradii 6-aad ee Ladnaan Podcast. Ilaaheey baa mahadleh, ismana leheen ilaa intaan baad wadi doontaan. Waxaan ka wada hadleynaa aniga iyo Sagal sidaan ku biloownay, maxaa naga saaciday inaan sii wadno iyo weliba waxyaabaha cusub ee nagu soo kordhay. Dhageystayaasheena waxaan ka codsaneynaa ineey nala wadaageen mawduucyada ay jecel yihiin inaan ka hadalno sanadkaan soo socda. Nagala soo xiriira: ladnaanpodcast@gmail.com Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye Ha ilaawina inaad subscribe sameeysaan. Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST Rss Apple Podcaster →