Todobaadkaan barnaamijka waxaan ku gorfeyn doonaa dhacdo xanuun badan oo dhawaan dalka Soomaaliya ka dhacday. Dhawaan ayaa lagu faafiyay baraha bulshada nin sheegay in uu yahay macalin dugsi Quraan balse aan u aragno in uu yahay QOF aanan fiyoobeyn. Ninka ayaa fara xumeyay gabar yar oo da'deedu lagu sheegay 8 sano jir.
Ninka oo kasoo muuqday muuqaal lagu duubay ayaa afkiisa ka qirtay. Nooma aysan suuragalin inaan wax war ah ka helno dhinaca dhibanayaasha. Arintaas ayaan falcelin ka sameyn doonaa waxaana qeybaha danbe ee barnaamija fariin ugu gudbin doonaa waalidiinta caruurta heysta.
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Wardoon Podcast. Innehållet i podden är skapat av Wardoon Podcast och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.