Muddooyinkii u dambeeyay, Soomaaliya waxaa si isdaba joog ah u saameynayay daadad iyo abaaro soo noqnoqday. Xilliga Deyrta ee sannadkan 2026-ka, waxaa la filayaa roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad xad-dhaaf ah, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara deegaanno badan oo dalka ka tirsan.
Qeybtan 48-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Cabdullaahi Muuse Axmed, oo ah Agaasimaha Qeybta Gargaarka Degdegga ah ee Caafimaadka ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), waxay ku gorfeynayaan saameynta ay daadadku geysan karaan, sida looga gaashaaman karo, iyo dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar Shaan SoDMA.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.