Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay. In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay.
Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan.
Qeybtan 45-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Nasra Hussein Abdi oo iskuduwe ka ah Ground Truth Solutions, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas iyo talooyinkii la soo jeediyey.
Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör
Somali Public Agenda. Innehållet i podden är skapat av Somali Public Agenda och inte av,
eller tillsammans med, Poddtoppen.