Avsnitt Heshiiska Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedellada Ku Dhici Kara Sanadka 2025 Maamul Wanaag Spela Dela Facebook Twitter Kopiera länk
Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 46-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Afyare Cabdi Cilmi ayaa ku gorfeynaya geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo isbedellada dhici kara heshiiska siyaasadeed sanadka 2025. Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening! Rss Apple Podcaster →