Dhallinyar badan oo ay da’doodu ka yar tahay 31 jir, ayaa markii u horreysay noloshooda codayn doona oo soo dooran doona Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland. Sidoo kale waxa isla mar dhacaysa doorashada Golaha Deegaanka. Barnaamijkan oo aqoonkorodhsi ah, waxa aynu ku eegi doonna taariikhda doorashooyinka Somaliland iyo marxaladaha ay soo mareen. Sidee loo qaybiyaa 82-ka kursi ee Wakiillada? Doorashadani maxay kaga duwan tahay kuwii hore? In reernimo la isku soo xulo, ma tahay dimuqraaddiyad? Waxa si waafi ah uga warramaya Garyaqaan Guuleed Dafac. Dhegaysi wacan! 

Support the Show.

Podden och tillhörande omslagsbild på den här sidan tillhör Ismaaciil C Ubax. Innehållet i podden är skapat av Ismaaciil C Ubax och inte av, eller tillsammans med, Poddtoppen.